Gen. Saacid Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

0
877

GeneralSaacid20130626Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda xuska sanad guurada 70-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyed u diray dhamaan ciidamada iyo xaasaskooda,  xilli maanta si weyn looga xusayo Munaasabadaasi  gudaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidnka Booliska Soomaaliyeed C/xakiin Daahir Saacid ayaa hambalyo ku aadan 70 guuradii ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliiska u diray saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda, Dableyda iyo xaasaskooda, wuxuuna u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Dhinaca kale taliye Saacid ayaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku amaanay sida ay u guteen howlaha adag oo ay bulshada u hayaan, isagoo u rajeeyay iney gaaraan horumar dhan kasta ah.

Maanta oo ah 20-ka December waxey ku asteysantahay 70-guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana maanta magaalada Muqdisho ka soconaya munaasabado lagu xusayo maalinta boolisika Soomaaliyeed.

Radio Muqdisho