Go’aanka Maamulka Gobolka Banaadir inuu la wareegi guryaha Xamar Weyne iyo Shangaani wuxu dhan ka yahay Shareecadda Iskaamla iyo tan Dimuqraatiyadda

0
1260

XamarWeyne1In lagu dhawaaqo go’aan waa inuu noqdaa mid sharci waafaqsan lehna tixraac, ha noqoto tan Shareecadda Ismaanka lagu fulliyo ama mida loo dhan yahay ee Demuqraatigga ah, Haddaba go’aanka ka soo yeeray guddigga maamulka gobolka banaadir waa mid aan waafaqsaneyn labaddaba ee iska mala awaal ah, qatarna ku ah dib u soo celinta Dowladnimo ku dhisan sinaan, cadaalad iyo kala dambentii Qaranka Soomaaliyeed.

Go’aan wuxu u kala baxa labo, go’aan sharci waafaqsan lehna tixraac iyo mid ah go’aan tilmaan:

  • Go’aan sharci: waa inuu ahaaddaa mid waafaqsan xeer sharciyeedka u degsen Dowladda lehna tixraac ku aadisan Shareecadda Islaamka ama mida loo dhan yahay ee Dimuqraatigga loo yaqaan.
  • Go’aan tilmaan: waa inuu ahaaddaa mid guddi loo xilsaaro ee ka soo baaraandegga go’aankaasi ka dibna loo diraa Baarlamaanka Shacabka, si uu Baarlamaanku usoo ansaxiyo una soo codeeyo go’aankaasi ku dhaqnkiisa iyo hirgelintiisa cidii fillin laheyd.

Haddaba go’aanka ka soo baxay Gobolka Banaadir hadduu yahay mid sharci ah ama mid tilmaan ah, labadaba uma saamaxaayaan Gobolku inay hanti maguurto shacab milki ahaan ay u leeyihiin, ha u dhashaan dalka ama haddii la doono yaynaan u dhalanba, iney la wareegan, bur bur ku yimid dagaalo sokeeye awgeed ama ku musiibo xagga cimiladda ah, waa midaan waafaq saneyn Shareecadda Islaamka iyo mida loo dhan yahay ee Dimuqraatigga ah.

Soomaaliya waxay soo martay dagaalo sokeeye mudo 23 sano, loona baahneeyn in laga sheekeeyo waxa Muqdisho ka dhacay xag barakaca iyo burburkii ku yimid waxii ka danbeeyay sanadkii 1991. Balse waxaan jeclahay in aan ku soo koobo burburkaa iyo barakacaa Muqdisho ku dhacay. Muqdishana waa meesha ugu badneyd xagga  xasuuqa dadka Somaliya  iyo burburaka xagga dhismaha loo geystay markaad u fiiriso gobolada dalka intiisa kale. Waxaase soo ifaf baxaya in Baarlamaanka, Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo beesha Caalamku  ay xoogga saarayaan sidii bulshadda Soomaaliyeed ay ku gaari laheyd dib u heshiissin dhab ah, beelaha degana goboladd Soomaaliya oo dhan ay u dhex mari lahaeyd inay iska cafiyaan wixii horey ay isku gaarsiiyeean. Balse go’aankan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay mid dib u soo nooleynaya  ka damqashaddii  Xanuunka badneyd ee ay ku reebeen tacadiyadii loo geystay shacbigga soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaldda Muqdhisho. Sidoo kalena caqabad hor leh ee ku timaadda  qabsasho shir dib u heshiisin dhab ah iyo in ay meesha ka bilaabato fowdaddii bur burka iyo kala dambeyn la’aanta, ummadda Soomaaliyeedna u horseeday  inay noqdaan Dowlad la’aan iyo sharci la’aan, haddii aan Xildhibaanadda Baarlamaaka, Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo beesha Caalamkaba si deg deg ah ee ficil caro leh uga jawaab celin go’aankaas.

Sida ay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta ay dunidda ka joogaanba ula socdaan sababaha keenay in Xukuumaddi “saacid” ay Xildhibaanadda Soomaaliyeed kala noqdeen kalsoonidood ay ka mid aheyd, wax ka qabsho la’aanta arrimaha dib u heshiisiinta, ay arrintaana la mid tahay ama ka sii qatar badan tahay.

Waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa in lagu dhaqaaqo hindise sharciyeed ee ku saabsan “dhawrista sharciga ah ee muwaadiniinta ee laga dhawrayo waxyeello kaga timaadda” guryaahaasi bur bursan bulshadda ku dhaqan gobolka banaadir. Sidoo kalana, in milkiilayaashu lagu war geliyo sida ugu dhaqsiyaha bandan, inay jiingaddo ku wareejiyaan dhismooyinkaasi bur burka ka soo gaarey dagaaladdii sokeeye.

Ugu dambayntii, waxaan ku baraarujinayaa madaxda ugu sareeya Baarlamaanka Fedaraalka ah iyo Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya, in ay u dhiibaan xilkan weyn ee Gobolka Banaadir  hoggaamiye iyo koox ku sifoobay wadadaninimo, tacliin, hufnaan ama xuma- ka dhawrsi, karti badan bisaylna u ah siyaaasada. Waxaan kaloo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinaa inayan rajo dhigin, mar walba ogaadaan in Dhib walba dheef uu ka dambeeyso, Bur bur walbana bilic ka dambeeyso.

Haji Awes, Abdikader

National economist (Cilmiga dhaqaallaha iyo siyaasadda)

haji.awes@gmail.com