Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfulaah oo ah xoghayaha guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Baarlamaanka dalka in dib uu eegis ay ku sameeyaan qodobo ka mid ah dastuurka dalka oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo maslaxadda umadda Soomaaliyeed.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay ka guddi ahaan in ay soo dadaaleen laakiin loo baahan yahay in xildhibaanada ay si aad ah u fiiriyaan qodobada ku jira dastuurkani oo meelaha qaar khaladaad uu ka jiro, iyaguna bin’aadam ay yihiin ay ka soo shaqeeyeen islamarkaana xildhibaanada la rabo in ay si taxadar leh u eegaan qodobada ku jira si waxbadan ay ugu kordhiyaan.
Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfulaahi ayaa ka hadlay caqabadaha ka hor yimid guddiga oo uu sheegay in ay ka mid yihiin in aan la soo dhisin guddiga madaxa banaan ee uu baarlamaanka meel mariyay oo aan ka sugeynay madaxweynaha iyo xukuumadda in ay soo magacaabaan dadkii nagala shaqeyn lahaa arrimahani.
Ugu danbeyntii Xildhibaan Deyfulaah ayaa waxa uu tilmaamay in muhiim ay tahay in howshani la dar dar galiyo si 2016-ka dalka ay ugu dhacdo doorasho xor ah oo shaqsi shaqsi loo codeynayo taasina waxa uu tilmaamay in lagu gaari karo dadaal iyo wax wada qabsi iyo in la dar dar galiyo dastuurka dalka Soomaaliya.
Radio Muqdisho