Guddiga X/insaanka Baarlamaanka oo dowladda ka dalbaday in ay xuriyadooda siiso Gud. C/Maalik iyo Wariye Max’ed Bashiir

0
1137

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_8Guddoomiye ku xigeenka Guddiga X/Insaanka Baarlamaanka Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in si deg deg ah ay ku sii deyso Malkiilaha Shabelle iyo Wariye Max’ed Bashiir Xaashi.

“waa wax aan ka xunahay in Muwaadiniintaasi si aan sharci aheyn dowladda xabsiga isaga heysato” ayuu yiri Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka ayaa ku nuux nuuxsaday in in ay tahay mid ka baxsan Xuquuqda aadanaha xariga Muwaadiniintaasi islamarkaana aanu sharci aheyn iyagoo wax Xukun Maxkamadeed ku dhicin in ay xabsi isaga sii jiraan.

Si kastaba Hadalka Guddiga X/insaanka Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay isi soo tarayaan baaqyada kala duwan ee dowladda loogu jeedinayo in ay sii deyso Mudane Cabdi Maalik Yuusuf Max’ud iyo Wariye Max’ed Bashiir Xaashi.

 

Shabelle