Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka oo u Amba Baxay Nairobi

0
902

JawaariIyoJeylani20131122_2Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gabal dhicii galabta u amba baxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoona safarka ay ku wehlinayaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay guddoomiye ku xigeenka kuwaad ee baarlamaanka dalka mudane Jeylaani Nuur Iikar, mudanayaal ka tirasan golaha shacabka, iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo inta uusan ka amba bixin garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay safarkiisa, isagoo sheegay in uu ka qeyb galayo munaasabadda lagu qabanayo dalka Kenya ee lagu maamuusayo xurnimo qaadashada dalka Kenya oo dadka dalkaasi ay u dabaal dagayaan.

Wixii warar ah ee ku soo kordha safarka Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waan idinla socodsiin doonaa insha’alah.

 

Radio Muqdisho