Gudoomiyaha Barlamaanka: “Wax lacag ah lagama bixin karo Bankiga dhexe ee dalka ….”

0
945

Jawaari20130616_1Kulan mudanayaasha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka islamarkaana uu shir guddoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa furitaankii baarlamaanka waxa ay mudanayaash baarlamaanka soo jeediyeen in baarlamaanka la horkeeno miisaaniyad sanadeedka Xukuumadda, si ay u meel mariyaan.

Soo jeedinta xildhibaanada kadib ayuu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya isaga oo ka jawaabaya soo jeedinta Xildhibaanada waxa uu u yeeray siihayaha Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan, iyadoo Mudane Maxamuud uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku horyimid baarlamaanka, islamarkaana uu xildhibaanada u qeybiyay miisaaniyadda sadaxda bil ee sanadka cusub.

Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan oo Xildhibaanada hadal u jeediyay ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay in ay la soo daahaan miisaanad sanadeedka, taasi oo uu ku tilmaamay in ay ka dambeysay isbadalkii ku yimid Xukuumaddii hore, waxaana uu Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in si KMG ah ay u meelmariyaan Miisaaanadda sadaxda bil ee sanadka soo socota, maadaama aan la soo dhameystirin miisaaniyadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in gudiga maaliyada ee baarlamaanka looga fadhiyo in ay soo turxaan bixiyaan miisaaniyada sadaxda bil ee ay maanta Wasaaaradda Maaliyadda u qeybisay Xildhibaanada.

“Wax lacag ah lagama bixin karo Bankiga dhexe ee dalka ilaa iyo inta ay mudanayaasha meel marinayaan miisaaniyadda KMG ah ee sadaxda ah, xildhibaanada looga fadhiyo in ay ilgaar ah ku eegeen miisaaniyada loo qeybiyay” ayuu guddoomiye Jawaari hadalkiisa ku daray.

Sida uu qabo sharciga N.2 ayaa dhigaya in labo bil ka hor baarlamaanka loo soo gudbiyo miisaaniyad sanadeedka Xukuumadda, inkasta oo aysan taasi dhicin sababo la xiriira dhanka isbadalka, maadaama Xukuumaddii hore ay mudanayaasha baaarlamaanka lala laabteen kalsoonida.

Radio Muqdisho