H.E. Dr. Mohamed Nur Ga’al “ Wadamada Carabta waxa ay qabanayaan Shir dhaqaale loogu yaboohayo Soomaaliya”

0
1020

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Dr. Mohamed Nur Ga’al oo socdaal shaqo ugu maqnaa seddexdii todobaad ee la soo dhaafay wadamada Khaliijka carbeed ayaa maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay , waxa uuna sheegay in dhowaan la qaban doono shir wadamada carabta ay soo abaabuleen oo dhaqaale lagu fuliyo mashaariic horumarineed lagu uruurin doono.

H.E. Dr. Mohamed Nur Ga’al oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa uu xusay in safaro shaqo uu ku tagay wadamada gacanka carbeed ku yaala , kuwaa oo kala ah Isutagga imaaraadka Carabta , Kuwait, Bahrain , Sultanate Oman,Qatar iyo Boqortooyada Saudi Arabia , isagoo u kala gudbiyay madaxda wadamadaasi dhambaalo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Prof. Hassan Sheikh Mohamud.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Dr. Mohamed Nur Ga’al oo kula kulmay Magaalada Riyadh Xoghayaha guud ee golaha iskaashiga wadamada Khaliijka carbeed Dr. Abdilatif bin Rashid Alzayani ayaa waxa uu muujiyay in Soomaaliya ay filaneyso kaalin balaaran oo wadamada carabta ay ka qaataan howlaha dib u dhiska dalka, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin yididiilo leh oo dhinacyo badan taabanaya,taasoo horseedeysa in deeq bixiyeyaasha iyo hey’adaha caalamiga ah ay ku soo dhiiradaan wadanka.

 

MaxamedNurGacal1 MaxamedNurGacal2