H.E. Fawzia Yusuf oo ka qeybgaleysa Shir madaxeedka wadamada Africa iyo France oo ka furmaya Paris

0
940

Fowsiya20131204_1Wafdi balaaran oo ay hogaamineyso Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa maanta ka ambabaxay caasimadda Muqdisho , iyaga oo ku sii jeeda caasimadda Paris ee wadanka France, halkaasoo ay kaga qeybgali doonaan todobaadkan shir madaxeedka wadamada Africa iyo France.

Shir madaxeedkan oo ay ka qeybgali doonaan ugu yaraan 40 hogaamiye , ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xasilinta wadamada qalalaasaha ammaan xumo uu ka jiro oo ay ka mid yihiin Mali, Central African Republic iyo Soomaaliya , waxaana shir gudoomin doona Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande.

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxaa u qorsheysan mudada ay ka qeybgaleyso shir madaxeedkaasi inay kulamo gaar gaar ah la yeelato madaxda lagu cazuumay furitaanka shirkaasi oo socon doona maalmaha Jimcaha iyo Sabtida.

Shirkani oo doodiisa ugu badan la iskula soo qaadi doono la dagaalanka argagaxisada, burcad badeeda , dhaqaalaha, horumarinta iyo isbadalka cimilada, ayaa waxa ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay muujin doontaa baahida ay u qabto in laga taageero tayeynta iyo qalabeynta ciidamada milatariga iyo kuwa badda, taasoo ay barbar socoto codsiga taageero howlgalo amni.

Shir madaxeedkii 25-aad ee dowladaha Africa iyo France oo lagu qabtay Magaalada Nice 31 May -1 June 2010 ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalay Madaxweynihii hore ee KMG Sharif Sheikh Ahmed.