Qormo ku saabsan Haramcastii ay eryinta ku soo qabteen rag reer Wajeer ah.
Qalinka: Abukar Albadri
Muqdisho – Qormadan waxaan ku eegayaa xaaladda Haramcas la sheegay in ay ari ka dishay dad reer Wajeer ah oo kaddibna inta la eryay la soo qabtay iyada oo aan dhaawac ah aan la gaarsiin iyana aanay qof waxyeeleyn.
Mid waa yaab, midna waa yaabka Yaabkiisa, midna waa amakaag. Haramcas baa la soo qabtay waa yaab! orod ayaa lagu soo qabtay waa yaabka yaabkiisa! Qofkii qabanayey ma aysan wax yeeleyna waa amakaag.
Haramcastu waxay ka mid tahay noolaha ugu halissan ee wax dila. Waxaa ay dishaa dadka, dugaagta qaar iyo duunyada, waxaa ay cuntaa hilbaha oo waa Xaywaan halis ah oo xoog iyo xawli badan, islana qab weyn oo awood u leh in uu dhulkana ku orodo, geedahana dul fuulo, booddo dheeridana waxaa lagu tilmaamaa sifihiisa gaarka ah ee dhanka dugaagta.
Waxaa intaa u dheer in ay tahay Xaywaanka ugu bootinta dheer marka laga reebo masaska keymaha ku nool iyo baalalleyda. In Orod uu qof bani’aadam ah ku soo qabto Haramcas daaye, in xitaa baratankeeda la damaacin karo ayaaba ah mid aan sahlaneyn, misena maskaxda ku reebeysa isweydiinta su’aalo badan.
Haramcasku waa Xaywaan ka halis badan dugaagta ay isku bahda yihiin ee uu ka mid yahay Libaaxa, wuxuuna kaga halis badan yahay awoodda uu u leeyahay bootinta iyo orod dheerida, taas oo u sahleysa in ay weerarto, disho am aka baxsato noole kasta ee soo hajuuma, waxaana intaas u wehlisa caqli badan oo uu dheer yahay dugaagta kale.
Haddiiba ay dhacday in qof ama koox dad ah oo tiro yar in ay daba ordeen oo kaddibna soo qabteen Haramcas, waxay aheyd in orodkoodaas lagu qoro buugga lagu keydiyo mucjisooyinka adduunka ee loo yaqaano ‘Genius World Record’.
Sheekadan markeedii hore waxaa aan ka dhegeystay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga. Aniga la yaaban warka BBC-da ayaan daawaday sawiro laga soo qaaday soo qabashada Haramcaskan, kuwaas oo markii aan isha la raacay i galiyay qushuuc iyo beer jileec aan u beer dabcay Haramcaskan.
Aragtida aan ka qaatay sawiradaas iyo dareenka dabacsan ee igu beermaywaxay keeneen in aan qalinka u qaato qormadan ku saabsan xariga Haramcaska taas oo aan uga gol leeyahay labo arrimood. Waa midda koowaade in aan u damqado Haramcaskan bogaadinta mudnaa ee lala garan waayey asluubwanaageeda misena la dulmay iyo in aan isku dayo in aan u garnaqo Haramcaskan la soo golaha joojiyey misena aan la weydiin in uu aqbalsan yahay iyo in uu dafirsan yahay dembiga lagu soo oogay, taas oo aan u arkay cadaalad darro lagu sameeyey Xaywaan Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa Kenya.
Haramcaskan, sida ka muuqata ah wejigiisa, wuxuu ahaa Qaxooti ka mid ah duurjoogtii Soomaaliyeed ee ka barakacay dagaalada iyo dilka iyo ugaarsiga loo geysto, kuwaas oo magangelyo doon u galay dalka Kenya.
Dad badan ayaan garowsan doonin marka aan ku iraahdo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya ma ahan kaliya dadka, ee duurjoogtii isugu jirtay dugaag iyo ugaar ayaa sidoo kale u bara kacay dhulka Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxayna in badan galeen gacmaha hay’adaha dalxiiska Kenya, halka kuwo badan oo uu ka mid ahaa midkan la soo qabtay ay ku dan dareysnaayeen duurka, iyagoo aan helin wax daryeel ah, loona aqoonsan qaxooti.
Haramcaskan waxaa ku dhacay labo masiibo. Waa marka koowaade waxa uu gacanta u galay noole uusan af iyo ur aqoon oo ah dad, qaylo badan, isla qabweyn, gartoodana cid ka doodeysa jirin, kuwaas oo aysan ogeyn waxa ay ku sameyn doonaan iyo sida ay ula dhaqmi doonaan midna.
Masiibada labaad waxa ay tahay in loo gacan geliyey koox Kenyan ah oo durba shabaq ku ridday sida gacan ku dhiigley dad laayey, misena u qaaday beeraha lagu hayo xaywaanka daawashadooda laga macaasho, ama loo yaqaano dalxiiska, meeshaas oo sida la filayo Haramcaskan uu ku dhameysan doono waqtiga noloshiisa ka harsan.
Tani waxay ka dhigan tahay in Haramcaskan durba lagu xukumay Xabsi Daa’im aan iyada laga talo gelin. Looma qaban qareen markii lagu wareejinayey kooxda Xaywaanka beeraha ku heysa, kuwaas oo shabaq adag geliyey oo geeyey goob uu Haramcaskan u arko in ay uga bilaabatay nolol muqdi ah.
Sawiro la soo dhigay barta internet-ka ee BBC-da laanteeda af Soomaaliga, Haramcaskaasi waa la soo gole joojiyey oo waxaa lagu soo oogay dembi ah in ay dishay 15 neef oo ari ah, si marqaati loogu yeelo dooda lagu soo eedeeyey waxaa la soo ag dhigay ri’ ka mid aheyd arigii la sheegay in uu dilay, kaas oo haddii Haramcasku hadli lahaa laga yaabi lahaa in uu iska fogeeyo eedda ku lug lahaanshaha dilka ariga.
Waxaa aan niyadda ka jecleystay in aan qareen u noqdo Haramcaska si aan u difaaco, waayo waxaa aan dareemay in ay wanaagsanaan laheyd in noolaha oo dhami ay cadaalad helaan oo aan la isu awood sheegan. Dad badan ayaa durba is dhihi doona iyadoo dadka la laayo xukun iyo cadaalad la’aan side xaywaan loogu doodi karaa, laakiin Noolaha oo dhami ayaa cadaalad u baahan, gaar ahaanna kana an hadli karin ee u baahan in loo hadlo.
Haddaba, markii aan isu qaabeeyey in aan difaaco Haramcaska ayaan abuuray Maxkamad macmal ah oo aan ku matalaayo middii la saaray Haramcaska.
Maxkamaddan waxaa Dacwad ooge ka ah odeyga hogaaminayey orodkii lagu soo qabtay Haramcaska, waxaa marqaati ka ah wiilashii la soo qabtay, waxaa marqaati ka ahaa ri dhimatay, waxaa booliis ka ahaan Kenyan duurjoogta xanaaneysa, waxaana daawadayaal ka ahaa dad weyne careysan.
Guud ahaan wax qareen ah ma jirin, balse aniga oo is xil qaamay ayaa isku dayey in aan difaaco Haramcaska, si aan u muujiyo sababaha ay iigu muuqatay in uusan dembiile aheyn.
Doodii waxay u dhacday sidan:
Dacwad ooge: Haramcaskan waa mid halis ah oo nafteena halis geliyey, waa dembiile oo waxay naga dishay 15 neef oo ari ah oo ay ka mid tahay ridan gaariga la saaran, waa la raacdeeyey, waana la soo qabtay, wax dhib ah lama gaarsiin oo raacdo uun baa lagu soo qabtay, sidaas darted waxaan dooneynaa in mag dhaw nalaga siiyo, iyadana la ciqaabo oo ciqaab daran la marsiiyo. Si aan doodeyda marqaati ugu helo waxaa ka marqaati ah ridaas dhimatay, iyada weydiiya wixii ku dhacay iyo cidda dishay.
Maxkamaddan ma laheyd Qaaddi aan la aheyn daawadayaasha iyo kuwo shabaqa watay ee Haramcaska qaatay, iyaguna way u riyaaqayeen hadalkiisa, wax naxariis ah iyo cadaalad midna lagama fikirin.
Aniga oo ka xumaaday sida Hamarcas aan hadli Karin ee dhan kaliya looga soo wada jeestay Ayaan isku dayey in aan qareen u noqdo.
Qareen: Marka koowaad dembi ma ahan in ay Haramcas disho xoolo.
Haramcastu waa noole uu Ilaah u xalaaleeyey wax kasta ee ay cuni karto, wax ka xaaraan ahi ma jiraan, xitaa ariga ay dilatayba Ilaah haka dhigee, waxa xaqa loogu leeyahay waa in ay meesha ka tagto oo iska cararto marka la iska yureeyo, taasina way sameysay oo 8km ayaa la raacdeynayey inta aan la soo qaban.
Marka xigta Haramcaskan waa Dugaag Soomaaliyeed oo soo qaxay oo aan helin dib u dejib iyo kaalmo midna, lamina daryeelin oo xaquuqdeedii aheyd in ay noolaato ayaa la sin waayey, mar haddii duurka uu ka waayey ugaar oo wixii ugaar ahaa ay dadkii dhameeyeen, waxna la dilay, waxna xerooyin lagu ootay si dalxiis ahaan looga ganacsado, ayuu isagana xaq u yeeshay in uu disho xoolaha, waayo dadkii ayaa ka dhameystay ugaartii uu ku noolaan lahaa, taas oo u banayneysa inuu nolol raadsado.
Mida seddaxaad ee aan Haramcaskan ku difaacayo, waa in uu si nabad ah isugu dhiibay dadkii eryaday oo uusan u geysan wax dhaawac ah, taas oo haddii sharci ahaan loo eego noqoneyso arrin hubinteeda leh.
Dadweynaha garsoorka ah waa ay la qaldanaan kartaa doodeyda, waa ay idinla qaldanaan kartaa, laakiin haddii qareenka u ahay Haramcas eedeysane ah oo haddana ka mid ah bahda Shabeelka ee halista ah, waa in aan eegaa wax yaabaha suurto galka ahaa ee aan ku difaaci lahaa.
Xabsi ayaa loo taxaabay,waa la soo gole joojiyey oo dembi lagu soo oogay,waxaa lagu xukumay in ay dishay 15 neef ari ah, waxaa lagu wareejiyey qolo shabaqle ku qaadatay markiiba oo xabsi daa’in u taxaabtay. Intubana waa cadaalad darro lagu sameeyey.
Dacwad Ooge: Ninkan doonaya inuu difaaco Haramcas isaga ayaaba halis kale ah, waan ka shakinay, Haramcas qareen ma leh, hala dilo, xoolo ayey naga dishaye.
Qareen: Haramcaskan eeda loo jeediyey ma aysan galin, waayo mar haddii ay aheyd mid 15 ari ah dishay oo dhiig dhadhamisay side ayey ku suuro gashay in ay is dhiibto oo sida waxar oo kale dhegta la soo qabto, soo cadeyn nooguma filna in aysan cijideeda iyo micideeda midna aysan wax ugu geysan dadka weeraray ee ay isu dhiibtay. Ma Haramcas aan iyadu raalli aheyn ayey dadi soo qaban karaan, soo ma ahan sheeko layaab leh.
Haddaba, Haramcaskan oo ka mid ah dhibanayaasha Soomaaliyeed ee dibada u qaxay, misena dadka kale oo Soomaaliyeed ay u gacan geliyeen Kenyan madow ah waxay u baahan tahay badbaado iyo u gurmasho, iyo in dareenka dadka dhankooda loo soo jeediyo si loo ogaado in dhibaatada aysan ku koobneyn oo kaliya dadka Soomaaliyeed ee xerooyinka qaxootiga ku dhibaateysan ee qaxootinimadii loo diidan yahay.
Beri samaadkii Haramcasta iyo Shabeelka Soomaaliyeed waxay lahaayeen xushmad gaar ah oo heer qaran ah, dilkoodu wuxuu ahaa dembi qaran oo loo xukumi jiray khiyaano qaran ah.
Astaanka Qaranka Soomaaliyeed ayey u yihiin difaaca qaranimada ku gaashaaman eek u asteydan badbaadinta, dhulka, dadka, badda, hawada iyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu Ilaah Soomaaliya siiyey, taas oo ah ka mid yihiin dugaaga iyo ugaarta Soomaaliyeed eek a dhigan bilicda dabiiciga ah.
Haramcaskan oo ku cusbaa Kenya wuxuu dalka Soomaaliya ka qaxay horraantii sanadka 2012, kaddib markii ay Xarakada Alshabaab ku dhawaaqday in dhurwaaga hilibkiisa uu xalaal yahay, taas oo keentay in Xaywaanaad badan oo isu arkayey in ay ka hilib macaan yihiin dhurwaaga ay dalka ka cararaan.
Haramcaskan oo aan malihiisa daadaaliyey ayaa waxaan isku dayey inaan maskaxdiisa milicsado si aan u ogaado waxa uu is lahaa, markii uu yara ilmeynayey ee isagoo gardaduuban oo dul yaallay gaari dameerkii lagu soo qaaday markii la soo xiray.
Haramcas: hummmmm… Gacan cadow walaal ayaan moodayey balse waxaan galay gacan cadow! Tolow noolaha dadka la yiraahdo yaa af garan kara, qaylada ka yeereyso (hadalka) miyey isku fahmaan mise urta iyo neefsiga.
Allow I badbaadi…. Waa ciil hal orod ah oo igu jiray iyo sida fudud ee aan isku dhiibay, illeen dad aamin ma galo…… Horta maxaa dalkeygii iga soo wada, in aan isaga dhinto ayey aheyd.
Caku Alshabaab, haddii aysan dhurwaa xalaaleyn laheyn waan iska joogi lahaa duleedka Kismaayo, laakiin inta aan islahaa nin dhurwaa cunay Shabeel waa u dhaylo ayaan haddimo dheer galay.
Tolow haddii aan odeygan ku dhihi lahaa riyaha Ayaan kuu waardiyeyn ma iga aqbalayaa, muxuu xaalkeyga ku dambeyn doonaa… Ilaahow inta aan gacantooda ku jiro yaan la dhihin Shabeel iyo Haramcas waxay noqdeen xalaal, ha lagu gowraco waxaa ka daran hilibkaaga dab hala saaro oo hala cuno.
Xanuun badnaa, Ilaahow roob na kala furta keen, Ilaahayow dadka Soomaaliyeed qaxootiga ka saar si caruurtii aan Soomaaliya kaga soo tagay aysan Kenya ugu soo qixin, Ilaahayow kuwa dugaagta xalaaleynaya u sahal wax ay kaga maarmaar dhurwaaga iyo dugaagta kale.
Ugu dambeyntii Haramcaskii isla hadlayey ayaa mar qura hadal ka soo yeeray, wuxuuna Dugaagta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan labo arrimood.
1. In ay dalkooda ka soo qaxaan ayuu ka waaniyey, wuxuuna ku yiri ku dhinta dalkiina, xur baad ku aheydeen in aad iska dhex orodaan min Raaskambooni illaa Shabeelooyinka, haddii aad soo qaxdo gaajo, cabsi iyo welwel ayaa ku dili doona.
2. Weligiin ha aaminina dadka Soomaaliyeed, waayo waxay noqdeen ku na dila, kun a xalaaleysta iyo ku inta na soo qabta cadow noo dhiiba, marka dugaagey dad ha aaminin.
Harmacaskii Soomaaliyeed ee qaxootiga ahaa, wuxuu haatan wajahayaa nolol aysan jirin dugaag u adkeysan kara, taas oo ah in la geliyey shabaq 2 mitir ka gaaban oo ciriiriga ay u dheer tahay xuqriyad la’aan, iyadoo ay u dheer tahay isagoo markii Kaamero ay ku soo taagaan dadka dalxiiska ah uu wadnuhu go’ baqdin darted, markii uu falaash ku dhaco oo sawir laga qaadana indhaha ayaa madoobaada.
Haddii aad qormadan ku eegto indho dheer, waxaad dareemi kartaa in dadka Soomaaliyeed loola dhaqmay dhammaan dhaqamadan ay qormada fasireyso oo isugu jira dil, barakicin iyo u gacangelin dad cadowgooda ah oo isugu jira madow iyo caddaan kuwaas oo sida ay doonaan ka yeelay, aysanna jirin cid la xisaabtantay walow ay sugeyso xisaabta ALLAAH.
Wixii talo celin ah ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com