Haween Soomaali ah oo laga badbaadiyay Koonfur Sudan

0
941

JubaSouthSudanIlaa 11 haween Soomaali ah ayay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ka soo badbaadisay magaalada Bor ee Koonfur Sudan, halkaas oo ay ka dhacayeen dagaalladii ugu cuslaa ee dhex mara dhinacyada isku haya siyaasadda waddankaasi.

Muno Nuur Diiriye oo ka mid ah haweenka ay soo badbaadisay Qaramada Midoobay, oo u warrantay Bar-kulan ayaa sheegtay in ay markii hore gudaha u galeen xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Bor, kaddibna halkaasi ay ka soo qaadday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee jooga waddankaasi.

Waxa ay sheegtay in ay la socdeen 55 kale oo dumar ajaanib ah, kuwaas oo iyaguna xerada Qaramada Midoobay ee Bor u galay magan-gelyo doon.

Dhammaan haweenka ay soo qaadday Qaramada Midoobay ayaa la geeyay magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Sudan, halkaas oo ay haatan xaaladdeedu tahay mid deggan.

Bar-kulan