Hay’adaha “Shabaab ayay lacag siiyaan”

0
1056

AlshabaabBaraawa1Warbixin cusub ayaa muujinayso in hay’adaha gargaarka ay lacag siinayaan ururka Islaamiga ee Al Shabaab.

Hay’adaha ayaa la sheegayaa in lacagahaas ay u bixinayeen si ay cunno gargaar ah u gaarsiiyaan dadkii la il darnaa abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii 2011-ka.

Hay’adaha qaarkood ayaa la sheegayaa in ilaa haatan ay lacago bixiyaan si ay ugu howlgalaan dhulka ay Al Shabaab ka taliso.

Lacag diiwaangelin ah

Warbixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen machadka Horumarinta Dibedda iyo Xarunta Cilmi Baarista ee Heritage ayaa waxay sheegaysaa in Al-Shabaab ay hay’adaha ka dalbaysay lacago si ay ugu oggolaato inay howlgalaan.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa iay hay’adaha ka dalbaysay 10,000 oo doolar oo lagu diiwaangeliyo.

Ururku ayaa la sheegayaa in inta badan ay iyagu qeybinayeen raashiinka gargaarka ee la gaarsiiyo dhulka ay iyagu ka taliyaan.

Dagaallamayaasha

Warbixintu waxay sheegaysaa in qeyb ka mid ah cuntada gargaarka ay Al Shabaab u dhigayeen dagaallamayaashooda.

Waxaa kale oo ay warbixintu sheegaysaa in ururka Al Shabaab uu raashiin dheeri ah siin jiray dadka u soo gudbiyo wararka la xiriira howlaha hay’adaha gargaarka.

Warbixintu waxay sheegaysaa in hay’adaha ay la sheqeyn jireen xafiiska Al Shabaab u xilsaarnaa arrimaha gargaarka in kasta oo arrintaas ay tahay mid sharci daarro ah.

BBC