Isbaarooyinka tiro badan oo ku soo badanaya wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

0
1032

IsbaaroDarawalada gaadiidka isaga goosha degmooyinka hoos yimaada gobolka Sh/hoose ayaa ka cabanaya isbaarooyinka tiro badan oo ku soo badanaya wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/hoose.

In ka badan 20-isbaaro oo yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo waliba Degmada Marka ilaa Afgooye ayaa la sheegayaa inay dhigteen ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ka qaata lacago xad dhaaf ah oo si weyn uga qeyla dhaaminayaan darawalada gaadiidka xamuulka iyo kuwa rakaabka ah.

Mid ka mid ah darawalada gaadiidka isaga goosha magaalooyinka Marka iyo Afgooye ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay inay iminka qarka u saaran yihiin shaqo joojin ay ku dhaqaaqaan, bacdamaa ay kordheen isbaarooyinka looga lacagaha xad dhaafka ah.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub waxaan ugu baaqayaa inay wax ka qabtaan isbaarooyinka faraha badan ee la soo dhigay gobolka Sh/hoose” ayuu yiri darawalkaan oo qariyay magaciisa sababo ammaan awgood.

Dhinaca kale cabashada gaadiidleyda gobolka Sh/hoose ka soo yeereysa ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay in la dilayo askarigii lagu arko isagoo isbaaro u dhiganaya dadka shacabka ah.

Somaliweyn