Iska hor imaad culus oo xalay ka dhacay degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir

0
826

Alshabaab1Xoogag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin Ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin Shineemo Cabdi Waayeel ee degmada Huriwaa.

Iska hor imaadkan oo ahaa mid culus ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo muddo nusa saac uu iska hor imaadku soconayay sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Xoogaga Hubeysan ayaa isticmaalay hubka boobayaasha, sida qoryaha fudud iyo baasukaha garbaha laga tuuro, iyadoo ciidankii la weeraray ay u soo gurmadeen ciidamo kale oo ka tirsan maamulka degmada Huriwaa.

Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar C/lle Jacfaan ayaa sheegay in weerarka kooxaha soo qaaday ay ahaayeen ilaa tobaneeyo ruux, isagoo tilmaamay in markii ay raaceen raadka kooxahaas ay dileen labo nin, ayna gacanta ku dhigeen labo kale.

“Ilaa 10-ruux iyo meelahaas ayay ku soo weerareen Shineemo Cabdi Waayeel oo ciidamo ka tirsan nabadsugida fariisimo ku lahaayeen, gurmad ciidan ayaa u tagay, kooxihii waa carareen, raadkooda markaan raacnay oo guri ay galeen hubkoodana dhigteen ayaa waxaa dilnay labo nin waxaa hada gacanta ku heynaa labo kale”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Huriwaa.

Cumar Jacfaan ayaa sheegay in saakay ciidamada ammaaanka ay howl galo ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Huriwaa, si ay u xaqiijiyaan amniga degmada.

Degmada Huriwaa ayaa waxaa dhowr jeer uga dhacay iska hor imaadyo iyo weeraro lagu qaaday fariisimo ciidan, iyadoo degmadan lagu tiriyo degmada ay sida aadka ah uga xoogan yihiin Al-Shabaab.

Jowhar