Jaaliyadda Soomaalida Oo Ku Eedeysay Dowlada South Africa Ineysan Wax Ka Qaban Dhibaatada Loo Geysto

0
983

SouthAfricaRobbingJaaliyada Somaliyeed ee ku nool wadanka koonfur Africa ayaa ku eedeeyay dowlada koonfur Africa in ay ka gaabisay ka hortaga dhibaatooyinka lagu hayo dadka ajaanibta ah oo Somalida ay ku jirto, ayagoo ka codsaday mas,uuliyiinta safaraada Somaliya ee dalkaasi in ay ka gacn siiyaan sidii loo yareyn laha dhibaatooyinkaasi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Koonfur Afrika oo dhaleeceeyntan dusha uga tuuray dowladda wadankaasi, ayaa shaaciyay in ay dowladda Koonfur Afrika ay gebi ahaanba ka gaabisay dadaalada ay uga hortageeyso wax ka qabashada tacadiyada loo geeysto dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ay ka midka yihiin dilka, jirdilka iyo boobka ay burcadda kula kacdo meheradaha ganacsiga ay Soomaalida ka sameeysteen gudaha magaalooyinka dalkaasi.

Ciise Axmed Good oo ka mid ah Mas’uuliyiinta jaaliyadda Soomaalida ee ku nool wadanka Koonfur Afrika islamarkaana u waramayay Radio Muqdisho ayaa ka codsaday safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay wadankaasi in ay ka shaqeeyso waxyaabihii ku dhacay Soomaalida gaar ahaan ganacsatada Somaalida.

Hadalka Ciise Axmed Good oo ka mid ah madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa yimid iyadoo maalmo uun laga joogo markii dukaamada ay ganacsatada Soomaalidu ku leeyihiin deegaannada Tuulooyinka hoostaga magaalada Johannesburg ay lagula kacay dhac iyo boob sameeyay dukaamo badan.

 

Radio Muqdisho