Jawaari: Xilibaanada waa iney yimaadaan Magaalada Muqdisho si R/Wasaaraha cusub loo ansixiyo

0
835

Jawaari20130616_1Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xilligaan amar buuxa ku qaba inaysan ka maqnaan fadhi ay baarlamaanku yeellan doonan maalinta Arbacada, waxana amarkaasi bixiyey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa hadalkan jeediyay kadib markii shalay Gudiyada Joogtada Baarlamaanka ay isku raaceen waqtiga la horkeenayo Baarlamaanka Ra’iisul wasaaraha cusub si loo ansixiyo.

“Waxaa ka codsanayaa Xildhibaanada golaha shacabka meel kasta oo ay joogaan inay wada yimaadaan magaalada Muqdisho, maadaama laga doonayo inay gutaan waajibaad dastuuri ah oo ay ugu horeyso Ansixinta Ra’iisul wasaaraha”ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maqnaanshaha Xildhibaanada fadhiyada noocaan oo kale ay tahay mid xilkas daro muujineysa, isagoo uga digay inay si macno la’aan uga maqnaadaan fadhiyada Baarlamaanka.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Kulan Baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeelan lahaa Xarunta Golaha Shacabka uu kooram la’aan u baaqday, ama ay soo xaadiri waayeen tiradii loogu tala galay inuu ku furmo Baarlamaanka.

Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu soo hadal qaaday in baarlamaanka Soomaaliya ay horyaalaan howlo badan oo dastuuri ah, sidaasi awgeedna xildhibaanada maqan laga doonayo inay ugu dambeyn soo xaadiraan maalinta talaadada ah.

Midnimo