Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la balaariyo guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu shegay in xukuumad balaaran uu soo dhisi doono islamarkaana ay isla jaan qaadi Karin gudiyada hadda dhisan iyo Xukuumadda Cusub ee la filayo maal mahaan in la soo dhiso.
Mudane Jeylaani Nuur Iikar guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in wasaarad kasta oo xukuumada ka mid ah la soo dhisi doono gudi gaar ah loo xilsaari doono.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobolada dalka, waxaana uu ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaaladaasi, isagoo soo hadal qaaday musiibadii ka dhacday deegaano ka mid ah Puntaland, waxaana uu tilmaamay baarlamaanka dalka in kaalin uu ka qaatay oo ay u direen halkaasi xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaasi oo warbixin ka keenay.
Hadalka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo kulamadii Baarlamaanka ee ugu dambeeyey looga hadlayay wax ka badalida guddoomiyayaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.