Khilaaf soo kala dhex galay Axmed Madoobe iyo Odayaasha Jubooyinka

0
967

XasanSheekhInKismayo20131101_3Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Odayaasha dhaqanka ee Jubooyinka ayaa isku fahmi weysan Soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas iyo Wasiiro loo sameeya maamulka.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulamo gooni gooni ah Magaalada Kismaayo kula qaatay Odayaasha kuwaasi oo uu doonayey Axmed Madoobe in uu odayasha ka dhaadhiciyo in uu soo magacaabo wasiiro isaga uu soo xulay oo u badan heybtiisa, iyo sidii xildhibaano Axmed Madoobe fikirkiisa taageereysa sidii loo keeni lahaa.

Odayaal badan ayaa ka carooday Maamulka Axmed Madoobe waxaa uu wado, waxaana odayaashaas qaarkood Axmed Madoobe uu u adeegsaday dil qarijin ah, waxaana ugu dambeeyay nabadoon bishii ina dhaaftay lagu dilay Kismaayo, kaasi oo la sheegay in uu ka hor yimid fikirka Axmed Madoobe.

Odayaashii taageersanaa maamulka Axmed Madoobe ee ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa haatan u muuqda kuwa kala laabtay kalsoonidii Maamulkaas, waxaana Axmed Madoobe haatan uu ku dadaalayaa in uu hanto kalsoonida odayaasha.

Shirkii Arimaha Jubooyinka looga hadlayey ee wajigiisiii hore uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in dhawaan kulanka wajigiisa labaad uu ka dhaco magaalada Kismaayo, waxaana shaki ku jiraa is afgaradka kulankaas ka imaankara.

 

Warkii