Kooxo Bistoolado wata oo Masjid gudihiis ku dilay Ma’dinkii Masaajidkaas

0
827

TargetingAssasinationKooxo ka kooban 3 ruux oo ku hubeysan bastoolado ayaa xalay ku dhaxdilay dilay masaajid ku yaala xaafada Xamar-bile ee degmada Wardhiigley wadaad mu.adin ka ahaa masaajidkaas xili lagu guda jiray salaadii ceshaha.

Wadaadka Marxuumka ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray, macalin Bashiir Bile oo ka mid ahaa wadaaddada xaafadda Xamar-bile ayaa waxaa toogtay saddex Ruux dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado.

Sadexdasi ruux ee dilay macalinka ayaa durbadiiba isga cararay halkii ay dilka ka geeysteen iyadoo aanan cidi dabagalin oo aanan soo qaban gacan ku dhiiglayasha falkasi geestay sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahaa.

Waxaa la sheegay in Marxuumka uu salaaddii maqrib ka adimay masjidka uuna ka aqimay, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka dambeysay.

Dilka loo geystay wadaadkan ayaa waxaa ka xumaaday dadweynaha ku dhaqan xaafada Xamar Bile oo sheegay inuu ahaa wadaadkan nin iska cibaadeysta oo aan siyaasad shuqul ku laheyn.

Midnimo