Laba musharax oo is ku heysta xilka Madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed

0
886

ShariifXasanIyoAdanMadoobeWararka laga helaayo magaalada Baydhabo ee gobalka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas ay ka socoto loolan loogu jiro cidii qaban laheyd M/weynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyhii hore ee Baarlamaanka Somalia Shariif Xasan Shiikh Aden ayaa la sheegay in iminka uu magaalada ka bilaabay dhaqdhaqaaq ku aadan in uu qabto xilka Madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa waxa uu kulumo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka ee Shirkaas soo qaban qaabiyay isaga oo u sheegayay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee maamulka Konnfur Galbeed sidaas darteed ay isaga doortaan.

Dhanka kale Shikh Aden Madoobe oo isaga ku sugan Baydhabo ayaa la sheegay in uu isagana doonayo xilka Madaxtinimo ee maamulkaas waxa uuna taageero ka heystaa dhinacyo badan.

Aden Madoobe oo maalmo ka hor gaaray Baydhaba ayaa waxa la kulmay qaar ka tirsan Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Halkaas jooga isaga oo ka dalbaday in ay sameystaan Xulufeysi codkana isaga ay ugu shubaan.

Si kastaba loolankaan ay wadaan labadaan Shaqsi ayaa waxaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo iyadoo maanta uu magaalada ka furmi doono shirka maamulka loogu sameenaayo Koonfur Galbeed.

 

Warkii