Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, Xasan Maxamed Warsame oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu ka warbixiyay horumarka garoonka laga sameeyay dhismihiisa, isagoo sheegay in wax badan ay ka qabteen shirkadda Favori ee Turkiga oo dhawaan lagu wareejiyay garoonka.
Maareeyaha ayaa waxa uu sheegay in hadda shirkadda Favori ay bilowday dhismaha iyo balaarinta garoonka oo taawarkii garoonka dayactir lagu sameeyay, waxaana rajo wanaagsan uu ka muujiyay waqti kooban ka dib in garoonka uu la mid noqon doono garoomada kale ee caalamka.
Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Mudane Xasan Maxamed Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu meesha ka saaray in garoonka maamulkiisa ay la wareegeen shirkadda Favoro, waxaana uu tilmaamay in garoonka ay maamusho dowladda laakiin shirkadani ay ka shaqeyso horumarinta garoonka.
Ugu danbeyntii Xasan Maxamed Warsame ayaa waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan horumarinta garoonkooda oo ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo balaarinta garoonka lagu wado, iyadoo garoonka uu yahay mid aad u mashquul badan oo ay isaga kal gooshayaan diyaarado wado dadka Soomaaliyeed ee dibadda ka soo noqonaya iyo kuwa dibadda u baxaya oo ajaanibina ay ku jirto.
Radio Muqdisho