Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ugu baaqay Wasiirada cusub ee Xukuumadda lasoo dhisi doono inay dhex-dagaan dadka shacabka ah iyo Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Duqa Magaalada Muqdisho Tarsan ayaa sheegay in Wasiir dhex-dhaga xarunta Madaxtooyada dhexdeeda uusan shacabka Wasiiro u aheyn, balse uu yahay kaligiis wasiiro.
Wuxuu sheegay in hada lasoo wado 25-Wasiiro, isaga oo Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in shuruud laga dhigo in Wasiirada cusub ee imaan doono in lakala dejiyo Degmooyinka Gobalka Banadir.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Tarsan, ayaa shegay in shacabka Soomaaliyeed laga rabo inay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka dalka, wuxuuna sheegay in ciidan badan oo Booliis iyo Nabadsugid aysan sugi karin ammanka guud ee dalka iyaga oo aan shacabka wadashaqeyn ka haysan.
Raga Dowladda ku jira ayaa gedigooda degan xayndaabka Madaxtooyada Soomaaliya oo ah goob siweyn ammaankeeda loo adkeeyay, iyadoo raga ugu fog-fog ay dagan yihiin meel aan ka fogeyn wadada Maka Al-Mukarama.
Warkii