Macalimad u dhalatay dalka Uganda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0
874

TargetingAssasinationMacalimad u dhalatay dalka Uganda oo wax ka dhigeysay Jaamacada Soomaaliya ayaa shalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Macalimada ayaa la sheegay inay xijaabnaan jirtay, ayna laheyd ilaalo u gaar ah, waxaa lagu magacaabi jiray Leyla sida ay inoo xaqiijiyeen Maamulka Jaamacada.

Dilkan oo ay geysteen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa la sheegay in Macalimad ay markii hore gaari kala dageen, xilli ay ka timid Jaamacada faraceeda ku yaal Baar Ubax.

Macalimadan u dhalatay Uganda ayaa Jaamacada Soomaaliya ka dhigeysay Maadada dhaqaalaha.

Meydka Macalimada ayaa maanta lagu wadaa in loo dhoofiyo Magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyadoo saaka la geeyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaal magaalada Muqdisho ayaa waxaa bare ka ah Macalimiin Ajnabi ah oo qaarkood u dhashay dalalka deriska ah.

Dhowaan ayay aheyd markii haweeney u dhalatay dalka Sweden lagu dhaawacay nawaaxiga Isgoyska KM4, markii ay ka soo baxay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal Muqdisho oo ay cashir ka bixineysay, iyadoo weerarkaas lagu dilay wiil soomaali heystay dhalashada Sweden.

Jowhar