Madaxwaynaha Puntland oo Magacaabaya Gudiga Xalinta Khilaafadaaka

0
826

Faroole20130616_1Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Puntland ayaa ku waramin in Madaxwaynaha Dawlada Puntland Cabdiraxmaan SHiikh Maxamed uu ku Mashquulsanyahay Magacaabista Gudiga Xalinta Khilaafaadka Puntland.

Gudigaan ayaa si toosa uga shaqyan doona arimaha Doorashada Xalinta Khilaadka ka dhasha, iyadoona aan Xo laga hayn Dadka kasoo dhex muuqan doona Gudigaas.

Wadamada Caalamka ee Taageera PL & Waliba Qaramada Midoobay ayaa isha ku haya Talaabooyinka Faroole oo ah Musharax isna u taagan Xilka Madaxwayanaha.

Dhawaan ayaa ay ahayd markii Mr Key wakiilka Qaramada Midoobay oo ka hadalayay Magacaabista gudiga Xalinta Khilaafaadka uu sheegay in loobaahanyahay in la magacaabo dad ay Guud ahaanba shacabku ku kulsoonyihiin.

15 Musharax oo shalay War soosaraay ayaa ka digay in Faroole uu kaliyaysto Magacaabista Gudiga Xulista Xildhibaanada & Xalinta Khilaafaadka Doorashada.

Allpuntland