Madaxwayne Faroole oo si diiran Jig Jiga loogu soo dhaweeyay

0
1099

FarooleInJigjigaAllpuntland

Madaxwaynaha Dawlada Puntland Cabdiraxamaan faroole ayaa diriiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Jigjiga ee Caasimada Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxwaynaha Puntland ayaa shalay ka anbabaxay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland isagoona Dalka Itoobiya u tagay arimo ku aadan ka qayabgalka Xuska Maalinta qawmiyadaha Dalka Itoobiya oo snaadkaan lugu qabanayo Magaalada Jigjiga.

Madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha uga hortagay Madaxwaynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya & xubno ka tirsan Xukuumadiisa.

Madaxwaynaha Puntland aya lugu wadaa inta uu Itoobiya ku suganyahay in uu la kulmo Dawlada Itoobiya Madaxdeeda islamarklaasna ka wada hadlaan arimaha Soomaaliya & Puntland.