Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu soo gabagabeeyay wadatashiyo uu la sameeynayay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beelaha kuna saabsanaa magacaabista ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Kadib markii baarlamaanka Soomaaliyeed uu codka kalsoonida kala noqday ayaa waxaa geystey codsiyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo doonaya inay buuxiyaan booska uu baneynayo Cabdi Faarax Shirdoon.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu maalmihii u dambeeyay waday wadatashiyo uu la samaynayay beelaha iyo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Waxaa jira siyaasiyiin badan oo loo saadaalinayo inay ku guuleystaan xilka ra’iial wasaaraha balse illaa hadda lama oga cidda uu u magacaabayo madaxweynaha ra’iisal wasaaraha cusub.
Hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ku dhowaaqi doono ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kahor 12ka bishan xilligaa oo la sheegay in uu u safri doono magaalada Nairobi halkaa oo uu ugaga qeybgalayo munaasabada xoriyada dalka Kenya.
Sanad kahor ayay ahayd xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabay ra’iisal wasaare Saacid iyadoo rag kale loo saadaalinayay in ay noqon doonaan ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee rasmi ah oo qabta xilkaa.
Jowhar