Madaxweynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkiiwaxashnimada lahaa ee loo geystey takhaatiirtii Siiriyaanka iyo kuwiiSoomaalida ahaaba, oo maanta lagu dilay agagaarka Siinka dheer ee duleedkaMuqdisho.Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkan mid lagu doonayo in sumcada,karaamada iyo sharafka Soomaaliyeed wax loogu dhimo, isla markaana lagutuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin. Dowladda waxaa ka go’anin la sii wado nidaamka dowladnimada, kala danbeynta iyo soo celintasumcadda, karaamada iyo sharafka ummaada Soomaaliyeed.Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha amniga oo ku howlan baaritaankafalkan waxashnimo inay soo dedejiyaan isla markaana ay kuwii ka danbeeyeyfalka dilka takhaatiirta in sharciga la horkeeno.Falkan ayaa maanta si arxan la’aan ah loogu dilay takhaatiir oo 3 ka mid ahu dhasheen dalka Siiriya iyo Soomaali isagu jirta oo u adeegayey bulshadaSoomaaliyeed.Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Siirya uga tacsiyeeyey geerida 3datakhaatiir ee Siiriyaanka oo u joogay dalka inay shacabka ka saacidaandhanka caafimaadka.