Madaxweyne Xasan Sheekh “Qofkii la arkaa isagoo jidka taagan ee Isbaaro u taal waa dil toogasho”

0
863

XasanSheekh20131106_1Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in amar cad laga soo saaray dadka isbaarooyinka dhigta ee isugu jira askarta ciidamada dowladda iyo kuwa burada ee dhibaateeya dadka safarka ah.

Khudbad uu xalay ka jeediyay Munaasabada 70-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayuu Madaxweynuhu si cad u sheegay in dil toogasho ah lagu xukumi doono qofkii wado taagan la arko.

“Waxaa rabaa inaan halkan ka cadeeyo inaan wada saxiixno dagaal aan ku qaadeyno dadka taagan wadooyika, haduu askari dhab yaay, ama askari beeneed burcad ah ee dharka ciidanka wata ninka jidka taagan ee qori heysta waa dil toogasho ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay dhamaan shacabka iyo Ciidamada qalabka sida inay meel uga soo wada jeestaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in burcada wadooyinka taagan ay qatar ku yihiin amniga muwaadinka safarka ah, sidoo kale ay caqabad ku yihiin dhaqaalaha dalka oo uu xusay midka jidka taagan inuu sicir barar ku keenayo sokortii iyo waxyaabaha qutul daruuriga ah sida uu yiri.

“Dhaqalaha dalka ayuu caqabad ku yahay, amniga madaniga kaliya ma ahan burcadka jidka taagan inuu diidan yahay, waa mid dhaqaale, mid xoriyadeed iyo mid walba, marka burcada jidka taagan waa la dagaalan”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri “Reerkii dhihi lahaa wiilbaa jidka nalooga dilay jidka halaga leexiyaan, midka aad dhashay hadii yahay, kan idin dhaxay ama midka aad la dhalateen intaba, hadii berriay diidaan yaanu noqon wiil la jeclaa”

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya go’aankii ugu adkaa ee laga soo saara dadka isbaarooyinka dhigta, iyadoo inta badan deegaanada dowladda gacanta ku heyso ay wadooyika jidgooyooyin ay dhigtaan kooxo ku labisan dareyska ciidamada dowladda.

Jowhar