Madaxweynha Dalka Oo Maanta Baarlamaanka Horgeynaya Ra’isul Wasaaraha Magacaaban Si Codka Kalsoonida Loo Siiyo

0
803

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_1barMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in baarlamaanka uu horgeeyo Ra’isul Wasaaraha dhawaan uu soo magacaabay si baarlamaanka Codka kalsoonida ay u siiyaan, iyadoo guddoonka Baarlamaanka uu iclaamiyay maanta kulanka baarlamaanka in codka kalsoonida loogu qaado Dr C/weli.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu ku faah faahinayo waxyaabaha uu ku xushay Ra’isul wasaaraha magacaaban iyo waxa uu ka filayo in dalkani uu u qabto, iyo sida uu u doonayo baarlamaanka dalka in codka kalsoonida ay siiyaan Dr C/weli Sheekh Axmed Maxamuud.

Sidoo kale waxaa iyana la filayaa in kulanka maanta baarlamaanka uu ka jeediyo khudbad Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee maanta codka kalsoonida loo qaadayo taa uu ku bal balaarin doono waxqabadka uu la imaan doono marka codka kalsoonida la siiyo iyo xukuumadda uu soo dhisayo waxa ay noqoneyso.

Xildhibaan Maxamuud Cumar oo ka mid ah xogheynada Barlamaanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyay kulanka baarlamaanka uu ka yeelanayo kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha magacaaban C/weli Sheekh Axmed Maxamuud.

Kulanka maanta ee Baarlamaanka oo Codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isul Wasaaraha magacaaban ayaa waxa ay noqon doonaa mid gacan taag ah sida uu qabo qodobka 39-aad iyo 69-aad oo cadeynayo arrimaha la xririira kalsooni siinta Xukuumadda iyo Wasiirka Koowaad.

Radio Muqdisho