Magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda oo maamul goboleedyo aan is-waafaqsaneyn lagu dhisayo

0
979

JawaariInBaydhabo20130918_7Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa hadda ka socda shirar iska soo horjeeda oo lagu dhisayo maamuulo ka hirgala gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo midkood uu hormuud u yahay xidhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan, degmada Baydhabo ayaa waxaa soo gaaraya ergooyin aad u badan, inkastoo ay jirto kala afkaar duwanaasho weyn oo u dhexeysa dhinacyada ku howlan dhismaha maamuladan aan is-waafaqsanayn oo halkaasi ka socda,kuwaas oo mid kamid ah uu horey uga socday halka kan kalena ay hadda magaaladaasi kawadaan abaabulkiisa taageerayaasha shariif xasan Sheekh aadan oo doonaya in la dhiso maamul goboleed ka kooban saddex gobol lagagana soo horjeedo midka la doonayo in lagu dhiso maamul goboleed ka kooban lix gobol, xildhibaan Shariif Xasan ayaa dhawaan sheegay in maamulka uu dhisayo uu yahay mid waafaqsan dastuurka KMG ah ee dowladda Soomaaliya, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xildhibaanku uu garab uu ka haysto dowladda Soomaaliyaiyo qaar kamid ah dowladaha dariska la ah Soomaaliya.

Sida warku sheegayo Hoteelka Bakiin ayaa waxaa shalay ka dhacay shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah nabaddoonada iyo waxgaradka taageersan Shariif Xasan, kaasoo ay uga hadleen sidii loo sameyn lahaa dibadbax lagu taageerayo maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee uu horkacayo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddiga abaabulaya dibadbaxyada ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay ka dhici doonaan degmooyinka Bardaale, Qansax-dheere iyo gobolka Shabeellada Hoose. Waxaana Aadan Isaaq Cabdi oo ka mid ah guddiga abaabulka uu sheegay in Arbacada maanta ah ay sugayaan ergooyin ka imaanaya gobalka Shabeellada Hoose iyo Bakool oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta labada gobol qaarkood.

Dhinaca kale waxaa todabaadkii hore taageeray fikir Shariif Xasan Sh, Aadan guddoomiye ku xigeenka gobalka Bay Shiine Macallin Nuurow oo ahaan jiray mid ka mid ah saraakiishii jabhaddii RRA, isagoo qaadacay shirka kale ee ka socda xarunta ADC-da Baydhabo, isagoo shirkaas ku sheegay in laga leexiyay dhabbihii uu ku socday sida uu yiri.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Magaalada baydhaba hadda ka socda labo shirweyne iyadoo labadan shir ay ku socdaan si xowli ah, islamarkaasna ergooyinka magaalada tagayaa ay yihiin kuwo ku kala biiraya labada shire ee Baydhabo ka socda,ilaa iyo hadana dowladda soomaaliya shirarkaasi midna ma taageerin inkastoo lagu xamanayo inay taageersan tahay midka lagu dhisayo 3 gobol maadaama ay horey wax uga dhistay 3 gobol oo ku yaalla isla deegaanada ay qeyb ka mid ah ergooyinka shirarka baydhabo ay doonayaan in ay ku daraan gobolada ay maamulka u sameynayaan.

Warkii.com