Mooshinkii is bedel ku sameynta Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada Baarlamaanka oo meel mari waayay

0
910

Barlamaanka20131202_2Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod u qaaday mooshin laga keenay is bedel sanadkiiba lagu sameeyo Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada Baarlamaanka, iyadoo mooshinkan uu meel mari waayay, kadib markii la heli waayay tiradii loo baahnaa ee meel marinta mooshinka is bedelka Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir gudoominayay kulankan ayaa ku dhawaaqay in aanu meel mar aheyn mooshinkan qorshihiisa ahaa is bedel ku sameynta Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo dood adag ka lahaa labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa ahaa kuwo aad ugu kala aragti duwanaa is bedel ku sameynta Gudoomiyeyaasha Gudiyada joogtada Baarlamaanka sanadkiiba hal mar.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii soo gudbiyay mooshinka ayaa doonayay in la mudeeyo waqtiga Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada, halka Xildhibaano kalena ka soo horjeesteen mooshinka.

Intaas kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka dalbaday Xildhibaanada inay cod u qaadaan inta diidan iyo inta ogol mooshinkan, waxaana inkastoo ay badnaayeen Xildhibaanada u codeysay in is bedel lagu sameeyo Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada, hadana waxay haleeli waayeen tiradii looga baahnaa si uu ansax ugu noqdo oo ah 139-cod saddex meelood labo meel.

“Tirada guud ee xildhibaannada u codeysay mooshinkaan ayaa ah 133 mudane, iyadoo 10 mudane aan codkooda dhiibanin, taasi oo tirada guud ay ka dhigtantahay 143 mudane, waxaa ogolaaday in mooshinkaasi lagu kordhiyo xeer hoosaadka 21, waxaa diiday 88, waxaana ka aamustay 24, tirada guud ee codeysay waa 133 mudane, sidaa daraadeed sida uu qabo qodobka 84aad ee xeer hoosaadka baarlaamaanka mooshinkaan meel mar ma ahan” ayuu guddoomiyaha hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa iclaamiyay in maalinta berri laga doodi doono nidaamka axsaabta, si sanadka 2016-da dalka looga hirgeliyo doorasho xor ah oo ay ka qeyb galaan Axsaabta Siyaasada ee dalka.

Jowhar