Urur cusub oo ay ku midaysan yihiin haweenka suxufiyiinta ah ayaa Axaddii shalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Ururka haweenka suxufiyiinta Soomaaliya ayaa ujeeddada loo dhisay waxay tahay inuu la tacaalo caqabadaha gaarka ah ee ay wajahayaan haweenka suxufiyiinta ah, sida ay sheegtay guddoomiyaha ururka, Nimco Xasan Cabdi.
Xafladda furitaanka ururka waxaa ka qeyb-galay suxufiyiin, xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo qeybaha bulshada.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka qeyb-galay munaasabadda furitaanka ururka ayaa dhisidda ururka ku tilmaamay ‘billowga ogaanshaha doorka dhiirri-gelinta leh ee haweenka Soomaalida ee suxufiyiinta ah ay ku leeyihiin warbaahinta’.
Yariisow ayaa ku ammaanay aasaasayaasha ururka inay qabteen shaqo fiican, wuxuuna raaciyay inay dowladdu la shaqeyn doonto ururka.
Guddoomiyaha ururka, Nimo Xasan Cabdi ayaa sheegtay inay wada-shaqeyn buuxda la yeelan doonaan qeybaha warbaahinta dalka.
Ururka ayaa ka shaqeyn doona sidii loo yarayn lahaa caqabadaha horumarka haweenka suxufiyiinta ah, Nimco ayaa tiri.
Bar-kulan