Hay’adda Diiftire Somalia waxa ay qaaday Ra’yi Ururin Dadweyne oo ay weydiimo kooban oo ku saabsan waxqabkii Xukuumadda muddadii sanadka aheyd oo ay jirtay.
Howsha Ra’yi Ururintu waxa ay socotay 3 maalmood, 24-26 November, 2013, waxaana la beegsaday bulshada qeybaheeda kala ah, Haweenka, Dhallinyarada, Gananacsatada, Ardeyda Jamacadaha, Ciidamada, Aqoonyahanada, Odoyaasha, Xoogsatada Madaxa-bannaan IWM, waxaana ka qeybqaatay dadweyne dhan 5,111 [ shan kun boqol iyo kow iyo toban qof ] , oo ku baahsan Degmooyinka Gobolka Banaadir [ Wadajir, Hodan, Waaberi, Howlwadaag, Wardhiigley, Boondheere, XamarWeyne, Shangaani, Xamar Jajab, CabdiCasiis, Shibis, Iyo Kaaraan ], waxa ayna Ra’yi Ururiyaashu booqdeen Suuqyada, Goobaha Gaadiidka Dadweynaha, Jaamacadaha, Hoteelada, iyo Baraha Dadweynuhu ku kulmo, oo ay ku weydiiyeen shaqsiyaadkii ay la kulmeen sida ay u arkaan:
1) Waxqabadka Xukuumadda, dhinacyada: Amniga, Maamul-Wanaagga, Musuqmaasuqa, Dibuheshiisiinta IWM.
2) Xil Gudashada Baarlamaanka Federaalka ee dhinacyada Horumarinta Dastuurka, La Xisaabtanka Xukuumadda iyo Sharci Dejinta. Natiijadii soo baxdeyna waxa ay noqotay sidatan:
72% Waxa ay qabaan in Xukuumaddu aysan gudan xilkeedii.
28% Waxa ay qabaan in ay xilkeedii gudatay.
51% Waxa ay qabaan in Barlamaanku uu si wanaagsan u shaqeynayo.
49% Waxa ay qabaan in Barlamaanku uusan si wanaagsan u shaqeyneyn.