Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.
Nicholas Kay ayaa ku sheegay ujeeddada socdaalkiisa mid uu ugu kuur-galayo xaaladaha waxbarasho iyo caafimaad ee magaalada Beledweyne.
Waxaa la filayaa in uu maanta kulamo la yeesho mas’uuliyiinta gobolka, maamulka degmada Beledweyne, qeybaha bulshada iyo saraakiisha AMISOM.
Bar-kulan