Kulan ay isugu yimaadeen maamulka degmada Balcad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi ayaa waxaa lagu beeniyay war ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegaya in ay maamulka degmadaasi uu dilay mid ka mid ah maxaabiista ku jirtay xabsiga degmada oo ku geeriyooday xabsiga. Odayaasha Degmada Balcad Oo Beeniyay in la dilay mid ka mid ahaa maxaabiista ku jirta xabsiga degmadaasi Kulan ay isugu yimaadeen maamulka degmada Balcad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi ayaa waxaa lagu beeniyay war ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegaya in ay maamulka degmadaasi uu dilay mid ka mid ah maxaabiista ku jirtay xabsiga degmada oo ku geeriyooday xabsiga. Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday ka dib waxaa warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah nabadoonada ka qeyb galay kulanka, kuwaa oo beeniyay wararkaasi, iyagoo sheegay in ay baareen dhimashada ka dib markii ay maqleen in uu dhintay maxbuuska ku jira xabsiga, waxaana ay khireen wararkaasi in ay yihiin kuwo been abuur ah. Ismaaciil C/llaahi Maxamed Koowdaar oo ah dhaqtarka degmada Balcad ayaa waxa uu sheegay maxbuuskaasi aan la dilin laakiin tii alle ay u timid, isagoo hoosta ka xariiqay in ay baareen dhimashada marxuumka isaga iyo kalkaaliyeyaashiisa ayna u cadaatay in aan lagu dilin Sun, ama jirdil kale, warakaasina ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog. Marxuumka ku geeriyooday xabsiga ayaa waxa uu ka mid ahaa 6 dhalinyaro oo uu maamulka degmada ka soo qabtay halkaasi kuwaa oo lagu eedeeyay ka mid noqoshada maleeshiyaadka Argagaxisada Al Shabaab.oo dhib ba’ani ku haya umadda Soomaaliyeed. ayaa markii uu soo idlaaday ka dib waxaa warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah nabadoonada ka qeyb galay kulanka, kuwaa oo beeniyay wararkaasi, iyagoo sheegay in ay baareen dhimashada ka dib markii ay maqleen in uu dhintay maxbuuska ku jira xabsiga, waxaana ay khireen wararkaasi in ay yihiin kuwo been abuur ah. Ismaaciil C/llaahi Maxamed Koowdaar oo ah dhaqtarka degmada Balcad ayaa waxa uu sheegay maxbuuskaasi aan la dilin laakiin tii alle ay u timid, isagoo hoosta ka xariiqay in ay baareen dhimashada marxuumka isaga iyo kalkaaliyeyaashiisa ayna u cadaatay in aan lagu dilin Sun, ama jirdil kale, warakaasina ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog. Marxuumka ku geeriyooday xabsiga ayaa waxa uu ka mid ahaa 6 dhalinyaro oo uu maamulka degmada ka soo qabtay halkaasi kuwaa oo lagu eedeeyay ka mid noqoshada maleeshiyaadka Argagaxisada Al Shabaab.oo dhib ba’ani ku haya umadda Soomaaliyeed. Radio Muqdisho