Qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee gobollada Jubbooyinka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Ugaas Faarax Axmed Sheekh oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in la joogo xilligii laga shaqeyn lahaa nabadda iyo horumarka, sidaa darteed ay ku baaqayaan in la joojiyo colaadaha.
Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah iyo odayaasha gobolka Shabeellaha Hoose laga doonayo in wada-hadal iyo dib u heshiisiin ay ku dhammeeyaan dagaalka.
Ugaaska ayaa xusay in Soomaaliya ay ka baxday xilligii ku-meel-gaarnimada, lana doonayo in cid walba ay ka qeyb-qaadato xoojinta dadaallada nabadda iyo horumarka dalka
Bar-kulan