Qarax Goor dhow ka dhacay Degmada Marka

0
895

QaraxAmisomWar goor dhow na soo gaaray ayaa tilmaamaya in Qarax Khasaaro sababay uu ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala bartilmaamsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM gaar ahaan Ciidamda Burundi.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi 3 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay , waxaana Gob Joogayaal Degmada Marka ku sugan ay Idaacadda Shabelle u sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay rasaas fureen taas oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

Ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkaasi iyo wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Maamulka Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi.

Shabelle