Qarax lala beegasaday ciidamo katirsan kuwa Badda ee Puntland

0
940

Puntland Post

Waxaa barqanimadii maanta uu qarax xoogani kadhacay bartamaha magaalada Boosaaso, kaasi oo lala beegsaday gaari ay saar naayeen ciidamo katirsan ciidanka illaalada xeebaha ee Pl.

Weerarka qaraxa oo kadhacay meel ku dhow faraca weyn ee shirkada xawilaada ee Amal ayaa waxaa la sheegayaa inuu gaystay khsaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo isugujira ciidamo iyo dad shacab ah.

Laaamaha Caafimaadka ee Cisbitaalka Boosaaso ayaa noo sheegay in dadka geeriyooday ay tiradoodu dhantahay 7-ruux oo isugu jira shacab iyo ciidan, waxaana la rumaysan yahay in dhaawacu uu kor udhaafayo 10-ruux.

QaraxBoosaaso20131205_2 QaraxBoosaaso20131205_1