Qaraxyo iyo rasaas xalay laga maqlay Degmada Kaaraan iyo xaalada saakay sida ay tahay

0
1001

QaraxMuqdishoWararka naga soo gaarayo Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Degmadaasi laga maqlay Qaraxyo xigay rasaas jaho kasta ka dhaceysay.

Sida dad goob joogaal ah u sheegeen Shabakada Warkii.com,
Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray Degmada Kaaaraan kuwaasi oo ugu horeyn Bambaano ku garaacay fariisimo Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin Duleedka Degmadaasi.

Qaraxyada ka dib ayaa la maqlay rasaas xoogan oo u muuqatay mid la is dhaafsanayay,iyadoo ciidamada Dowlada ay ku jawaabeen rasaas,waxaana dad deegaanka ay sheegeen in saacado rasaasta ay socotay.

Qasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay ka dhacay Duleedka Kaaraan ee Magaalada Muqdisho wallow weerarka uu dhacay xilli habeen ah.

Inta badan qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho ayaa waxaa ka dhaco weeraro isugu jira Qaraxyo iyo dagaal toos ah, kuwaasi oo inta badan sheegtay Ururka Al-shabaab.

 

Warkii.com