Hal qof ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn socotay muddo kooban oo saakay aroortii garoonka diyaaradaha ee deegaanka Guriceel ku dhexmartay ciidamada maamulka iyo maleeshiyo hubaysan.
Guddoomiye ku-xigeenka deegaanka Guriceel, Cali Baashi Aadan Diiriye ayaa u sheegay Bar-kulan in ciidamada ammaanka ee garoonka oo gacan ka helaya kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ay gacanta ku hayaan garoonka oo ay ka saareen maleeshiyadii hubeysneyd.
Cali Baashi ayaa xusay in ammaanka garoonka uu sugan yahay, ciidamaduna ay ku raadjoogaan maleeshiyada weerarka soo qaadday.
Garoonka diyaaradaha ee Guriceel oo maalintiiba ay ka soo degi jireen hal ilaa labo diyaaradood ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa carqalad geliyay ganacsatada qaadka.
Bar-kulan