Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Cadan oo sheegay in ay yaraadeen dadkii tahriibka ku gali jitay Yemen

0
834

Tahriib20131004_1Qunsulka guu Soomaaliya u fadhiya  magaalada Cadan ee dalka Yemen  Axmed Cabdi Xasan oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa waxa uu sheegay in ay yaraadeen dadkii Soomaalida ahaa ee u tahriibi  jiray dalkaasi, kuwaa oo ku biimeynaya naftooda biyaha halista ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, waxaana taa badalkeeda uu tilmaamay in Soomaalida joogta dalkaasi ay ku soo noqonyaan wadankooda hooyo oo laga dareemayo horumar iyo nabad.

Axmed Cabdi Xasan  ayaa waxa uu sheegay in ay is diiwaan galiyeen in ka badan 300 oo qoys oo doonaya  in ay ku soo noqdaan  dalkooda hooyo oo uu tilmaamay in ay u riyaaqeen horumarada balaaran uu dalka dhinac waliba leh uu ka gaaray ayna doonayaan in dalkooda ay ku noolaadaan islamarkaana ay ka baxaan qaxootinimada dibadda ay ku yihiin.

Qunsulka ayaa waxa uu sheegay soo noqoshadani dadkaasi ay ku soo noqonayaan dalka in ay ka danbeysay ka dib markii wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kheyraadka dalka Marwo Saciido,  iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya  Maxamed Nuur Gacal markii ay gaareen wadankaasi ay u sheegeen in ay doonayaan in wadankoodii ay ku noqdaan taa oo uu tilmaamay in iyaga lagu amray in ay u fududeeyaan ku soo noqoshada dalka.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa dalka si xowli ah ugu soo noqonayay dadka Soomaaliyeed ee mudada badan ku noolaa wadamada qurbaha ka dib markii ay arkeen in wadanka cagaha uu la sii galayo horumaro balaaran iyo xasilooni oo ay horseedeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, waxaana dadkaasi dalka ay ku soo kordhiyeen adeegyo ganacsi oo muhiim ah kuwaa oo bilicada caasimadda kor u qaaday.

Radio Muqdisho