Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Golihiisa Wasiirada, ayaa ka sii hawlgeli doona Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ilaa iyo inta laga soo magacaabaayo Ra’iisal Wasaaraha cusub.
Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shaley shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia, ayaa kaga dhawaaqay in Saaicd iyo Golihiisii Wasiirada, ay sii jooggi doonaan Xafiiska.
Madaxweynaha, ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in uu soo magacaabi doono bedelkii Saacid, inkastoo aanu kala cadayn waqtiga dhabta ah, ee uu soo magacaabi doono.
Madaxweynaha, wuxuu Xukuumadii Saacid uu kaga mahadceliyay shaqooyin ballaaran oo ay qabatay, inkastoo uu hadana muujiyay in ay gaabis ku shaqeyneysay.
Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa wuxuu kaga mahadceliyay go’aankii ay Xafiiska Shaqada kaga eryeen Raa’isal Wasaarihii galabta kalsoonida lagala laabtay.
Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa si weyn ugu kala qaybsamay khilaafka daran ee u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Kadib muddo afar toddobaad ah oo ay wax xal ah isla gaari kari waayeen.
Warkii