Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa bilaaabay wada tashiyo ballaaran uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada, iyadoo xalay kulamo gaar gaar ah uu Madaxtooyada kula qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo beel beel uu ula kulmayay.
Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu ku guda jiro wada tashiyadii u dambeeyay oo uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada, kuwaasoo noqon doona kuwo ka ballaaran Wasiiradii Xukuumadii hore.
Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Jowhar.com in Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay taageeraan Xukuumada uu soo dhisi doono.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay in aanu Liiska Golihiisa Wasiirada ku soo darin Wasiiradii Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Saacid oo dadaal badan ugu jira inay soo laabtaan, waxaana Xildhibaanada qabaan mar hadii Ra’iisul Wasaarihii hore uu meesha ka baxay, Wasiiradiisana ay sidoo kale albaabka ka baxaan, maadaama hadii Xukuumada lagu eedeeyay waxqabad la’aan Wasiiradana ay qeybta ugu weyn leeyihiin.
Caqabadaha bilowga ah ee uu la kulmayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah arrimahan, hase ahaatee uu u dadaalayo qancinta Xildhibaanada baarlamaanka, ka hor codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada uu soo dhisi doono.
Xildhibaano Wasiiro horay uga soo noqday Xukuumadihii hore ayaa ku doodaya in aanay iyagu soo laaban markii la magacaabayay Xukuumadii uu hogaaminayay Saacid, isla markaana Wasiiradii 10-ka ahaana ay ahaayeen kuwo cusub oo aan lagu soo darin Wasiiradii Xukuumadii C/wali Gaas.
Ilo wareedyo muhiim ah oo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in badi Golaha Wasiirada ay diyaarsan yihiin, isla markaana qorshuhu yahay in Wasiirada la gaarsiiyo ilaa 25-Wasiir oo ka badan 10-kii Wasiir ee Xukuumadii hore.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo qeyb ka mid ah Wasiiradii hore inay dib u soo laabtaan, kuwaasoo laga yaabo in xilalkooda loo bedelo, halka kuwo kalena ay waayaan Wasiir, waxaana socda hadal heyn badan oo ku aadan magacaabista Golaha Wasiirada cusub oo beel walba ay heli doonto min Shan Wasiir.
Si kastaba ha ahaatee Golaha Wasiirada cusub ayaa qorshuhu yahay in bilowga Janaayo ee sanadka 2014 ama dhamaadka December ee sanadkan sii dhamaanaya lagu dhawaaqo, inkastoo wax walba dhici karaan, waxaana Ra’iisul Wasaaraha laga sugayaa in ka hor 10-ka Janaayo uu horkeeno Golihiisa Wasiirada Baarlamaanka Soomaaliya oo xilligaas fasax galaya.
Jowhar