Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu wadaa in goor dhow hortago Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dood ka yeelanaya mooshin kalsooni kala noqosho ay soo gudbiyeen ilaa 168-Xildhibaan.
Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Ajandaha kulanka saaka ee Baarlamaanka uu ku jiro Khudbad uu Ra’iisul Wasaaraha u jeedinayo Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo uu uga hadli doono waxqabadka Xukuumadiisa mudadii sanadka aheyd.
Lama oga inuu is difaaci doono iyo inuu kaga dhawaaqi doono Baarlamanaka hortiisa is casilaad, hadana warar kala duwan ayaa soo baxayay saacadihii u dambeeyay, iyadoo Baarlamaanka uu u fadhiyo sidii codka kalsoonida ugu qaadi lahaa.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku sii qul qulaya xarunta Golaha shacabka, iyadoo iska diiwaan gelinaya, isla markaana buuxinaya foom loogu tala galay tirada xildhibaanada soo xaadirtay, waxaana kulanka maanta la sheegay inuu kaliya yahay dood iyo dhageysiga khudbada Ra’iisul Wasaaraha.
Marka la eego aqlabiyad ahaan Baarlamaanka gudihiisa ayaa la sheegayaa in Ra’iisul Wasaaraha aad looga badan yahay, iyadoo todobaadyadii u dambeeyay ee uu khilaafka xooganaa Ra’iisul Wasaaruhu ahaa mid howshiisa watay, isla markaana ku adkeysanaya in aanu is casilin.
Ra’iisul Wasaare Saacid oo diidanaa in amarka Madaxweynaha isku casilo ayaa diyaar u ahaa in xalka kama dambeysta uu gaaro Baarlamaanka, isla markaana waxa isaga iyo Madaxweynaha isku hayeen uu yahay arrin dastuuri oo aanay siyaasad aheyd.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo muddo sanad soo wada shaqeeyay ayaa la rumeysan yahay in waxyaabaha khilaafkooda ka dhashay ay ka mid aheyd isku shaandheynta Golaha Wasiirada oo in muddo ah soo socotay.