Seminar si heer sare ah loosoo agaasimey oo lagu qabtey jaamacada Al-madiinah

0
922

Seminar si heer sare ah loosoo agaasimey oo eey hirgalintiisa iska kaashadeen Kullilyada Maamulka iyo Dhaqaalah (Faculty of Finance and Administrative Sciences), iyo Qeybta Arimaha Ardeyda (Student Affairs Division) ee Jaamacada caalamiga ah ee Al-Madinah International University, ayaa lagu qabtey xarunta weyn ee isla jaamacada Al-Madinah oo ah jaamacad eey dhigtaan ardey Soomaaliyeed oo aad u farabadan, kuna taalla maagalada Shah Alam, ee gobolka Selangor ee dalka Malaysia.

Seminar-ka waxaa bare ka ahaa Maamule Ku Xigeenka Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, ahna Barre/Macallin isla kulliyada wax ka dhiga (Deputy Dean and Fulltime Lecturer): Dr. C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Seminarka waxaa kasoo qeybgaley maamulka jaamacada, Professorro, marti-sharaf kale iyo ardey aad u farabadan oo hoolka buuxdhaafiyey. Ciwaanka seminarku wuxuu ahaa “Fariimaha/dhambaallada shaqo, iyo farsamooyinka wareeysiyada shaqo”, afka qalaadna lagu yiraahdo “Employment Messages and Job Interview techniques

Semiar-ka waxaa asal ahaan loogu talagalay ardeyda jaamacada ee simister-kan qalinjabineeysa, si loo siiyo aqoon iyo xirfado u sahlikara sidii shaqooyin eey ugu raadsan lahaayeen, kadib marka eey tacliinta usoo gabagaboowdo.

Seminar-ka ayaa waxaa lagu baranayey sida loo diyaariyo nuucyada kala duwan ee CV-yada, Resumes-ka, iyo waliba nuucyada wareesiyada shaqo, waxyaaba eey ku kala duwanyihiin, iyo sida qofkaa shaqada raadinayaahi uu uga soo dhalaalikaro.

Wuxuu ahaa siminar intii kasoo qeeybgashey eey si aad ah uga wada maqsuudeen, in badanna ka faa’ideen, iyadoo madaxdii seminarka dibadii goobta ka qudbeeyseyna eey jaamacada u gudbiyeen in sidan oo kale loosii wado siminarrada nucuan oo kale ah. Waxeeyna ammaan iyo boogaadin u soo sheegdiyeen dhamaan intii kasoo qeeybgashey, iyo Barahii bixinayey simimarka: Dr. C/Qaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” sida qiimaha badan ee uu arkdeyda ugu wada faa’deeyey.

 

SeminarJaamacadaMedina20131202_4 SeminarJaamacadaMedina20131202_2 SeminarJaamacadaMedina20131202_1 SeminarJaamacadaMedina20131202_5