Shacabka magaalada Marka oo eeden u jeediyey maamulka magaalada
Magaalada Marka oo xarunta gobolka shabeelaha.webhoose waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimsan dalka soomaliya waxaana ku dhaqan shacab aad u farabadan jecel nabada.
Tan iyo markii ay ka baxeen kooxda al-shabaab oo ay gacanta ku dhigeyn gobolkaasi dowlada soomaliya, waxaa durbadiiba loo magacaabay gobolkaasi maamul ku meel gaar ah, maamulkaasi oo hogaamiyanayey mudane ugaas oo xaruntiisana aheyd magaalada Marka.
Muddo bilooyin kadib waxa maamulkaasi gobolka lawareegay mamulka xiligaan shaqeynayo oo gudoomiye u ah Maxamed Cusmaan Yariisow
Wixii ka dambeeyey magacaabistiisa shacabka ku dhaqan gobolkaasi ayaa intooda badan waxay ahaayeen kuwa ka cabanaayay maamul xumo ka jirta gobolkaasi.
Sida lawada ogyahay, in bilooyin ka hor dhibaato weyn ka jirtay wadooyinka u dhaxeeya afgooye ilaa marko, taasoo saameyn aad u weyn ku yeelatay shacabka iyo gaadiidleeyda is ticmaasha wadadaasi, mararka qaar waxa dhacda in dad bilaa micno daro loo dilo qaarna lagu qasbo inay safar ku maraan wadadaasi .
Shacabka gobolka shabelleeda hoose ayaa marar badan cabasho u gudbinaayay dowlada federaalka soomaliya , ayagoona ka cabanaayo dhibaatooyinka ka jira maamulkaasi ha u badnaadan amaan xumida gobolka iyo wada shaqeyn la’an shacabka iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi.
Edeyntaan ayaa imaaneysa ka dib markii dhawaan ay ka dhaceen magaaladda Marka dilal qorsheysan,ayadoo dilalkaasi lagu beegsanaaayo aqoonyahanada iyo wax garadka ka soo jeeda gobolka shabeellada hoose gaar ahaan magaalada Marka ayadoona lagu eedeeyay dilalkaasi maamulka ka arimiya magaaladda marka, dadka lagu dilay waxaa ka mid ahaa
- Garweyne Waraawo oo ahaa nin sii weyn logu yaqanay magaaladda Marka, ayadoona ay dileen kooxo ku hubeysnaa bastoolado.
- Maxamuud Kuulow Aweys oo asagana ka mid ahaa aqoonyahanada magaaladda Marka
- Cali Shariif oo asagana dhawaan lagu dhawacay magalada marka guduheeda ayadoona kooxdii soo werartay ay ugu tala galeyn inaay dilaaan belse qadar alle wuu ka badbaaday.
Hadaba shacabka magaladaasi waxay eedeyntaasi dusha ka ka saareen iyo dilalka qorsheynsan iyo ugaar siga lagu haayo waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Sh/hoose gaar ahaan magaaladda Marka, gudoomiyaha haatan xilka haayo Maxamed Cusmaan Yariisow
Haddabba shacabka ku dhaqan magaaladda Mara waxay dowladda federaalka Soomaliya u sheegayaan inay yahiin dad lahaystayaal ah , isla markaana laga dhiganayo sidii ladoono, taas oo sabab u ah maamulka ka arimiya magaalada Marka.
Dowladda federaalka soomaaliya waxaan ka codsanaynaa in arintaasi si dhaqsi ah wax looga qabto.
Odayaasha magaalada Marka