Wararka naga soo gaaraya degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in deegaanku ay ka dillaaceen cudurro khatar galinaya nolosha dadka deegaanka.
Guddoomiyaha degmada Badhaadhe Faarax Haybe oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in xilli roobaadkan lagu jiro ay degmadu ka dillaaceen cudurro halis ah, kuwaas oo sababay qaarkood in ay dadka u geeriyoodaan.
Faarax Haybe waxa uu sheegay in dadka qaarkood lagu arkayo qandho iyo madax wareer, kaddibna ay afka iyo sanka dhiig ka keenayaan iyada oo inta badanna ay u geeriyoodaan marka ay marxaladdaas la kulmaan.
Waxa uu sheegay in ugu yaraan ilaa shan qof ay cudurradaasi ugu geerioodeen deegaanka, isaga oo xusay in ay jiraan dad kale oo cudurradaasi ugu geeriyooday dhulka baadiyaha balse aan la hubin tiradooda.
Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in aysan degmada ka jirin wax adeeg caafimaad ah.