Shariif Xasan oo gaaray Baydhabo

0
825

ShariifXasan20131207Afhayeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, haatanna ah mudane ka tirsan baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xubnaha wafdiga Shariif Xasan waxaa ka mid ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayaa wafdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha.

Shariif Xasan oo saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa ujeeddada safarkooda ku tilmaamay inay tahay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhabo.

Wafdiga waxaa la dejiyay hoteelka Bakiin, waxaan ammaankooda sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inuu kulamo wada-tashi ah la qaato qeybaha kala duwan bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee gobollada Baay iyo Bakool.

Bar-kulan