Somaliland oo amar culus duldhigay shirkadaha diyaaradaha, mamnuucayna

0
924

HargeysaAirport20130619Maamulka la baxay Somaliland ayaa amar culus ku bixiyey in diyaaradaha uga imaanaya magaalada Muqdisho iyo guud ahaan koofurta dalka Soomaaliya aysan deegaanada Somaliland ka soo dejin karin qof aan wadan baasaboorka Soomaaliya si ay u aqoonsadaan in qofkaasi uu yahay qof Soomaali ah, isla markaasna ay ula xisaabtamaan sidii qof u dhashay dal ka madax banana Somaliland oo ay sheegeen inay tahay dal gooni ah.

Wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka ee maamulka Somaliland ayaa ka mamnuucday garoonka diyaaradaha Hargeysa inay adeegsadaan dad aan sidan dukumanti baasaboor ah, sidaasna waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka wasaaradda duulista Somaliland Saddaam Maxamed Axmed.

“Wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxay dhammaan dadweynaha isaga goosha garoomada Somaliland ee ka soo dega ama ka dhoofa ku wargelinaynsaa amaba u sheegaysaa inay waajib ku tahay inay sitaan baasaabooro sharci ah si uu ugu sahlanaado safarkoodu, iyadoo aanu ka codsaneyno inay tixgelinayaan una dulqaataan baaritaana dadweynahaasi lagaga samenayo madaarada iyo wixii su’aalo ah ee laanta socdaalku ay ugu baahato” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda duulista Somaliland.

“Waxaanu dhammaan diyaarahaha ka ganacsada hawadda Somaliland ugu digeynaa inay dalka Soomaaliya ee deriska ah ka soo qaadaan dad dalkaasi u dhashay ama reer Somaliland ah oo aan baasaabooro sidan taas oo ah mid aan la aqbalo karin, haddii ay dhacda waxaa diyaaradaasi laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxana dadkaasi aan sharciga sidan dhamaantood dib loo celindoonaa diyaaraddii siday iyo halkii ay ka yimaadeen” ayuu yiri markale afhayeenku.

Sidoo kale warka ka soo baxay afhayeenka wasaaradda duulista Somaliland ayaa waxaa lagu yiri “Waxaanu dhinacyada ay khuseyso faraynaa inay u hogaansamaan amaradaasi kor ku xusan, iyadoo wasaaraddu hore go’aankan u baahisay, waxaanu mar labaad ku celinayaa inaysan madaaradda Somaliland ka soo dageyn ama ka dhoofeyn cid aan baasaaboor sharciya sidan, marka laga reebo wixii duulimaadyo gudaha Somaliland ah oo ay muwaadiniinta u banaantahay inay u kala safraan garoomada gudaha Somaliland iyaga oo aan baasaaboor sidan”.

Warkii.com