Taliska Qeybta 1-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dadka weli ka maqan guryahooda inay dib ugu soo laabtaan kadib markii Ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen gacan ku haynta Amniga degmada number 50 kadibna ay ku wareejiyeen Ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda Qaranka.
General Maxamuud Xasan Qaafoow taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo ku sugan deegaanka N-50 ee gobalka Sh/ Hoose ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay deegaanka ku wareejiyeen ciidamada nabad sugida iyo booliska oo gaaray degaankaasi, waxa uuna General Qaafoow tilmaamay in ciidamada milateriga ay halkaasi ku kala qaadeen labadi maleeshiyo beeleed ee uu dagaalku dhex marayay dadka deegaankuna ay codsadeen in la keeno ciidamo boolis iyo nabad sugid ah si ay u sugaan amniga deegaanka.
Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamuud Xasan Qaafoow ayaa ugu baaqay dadkii ku noolaa deegaanka N-50 ineey guryahooda ku soo laabtaan islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada booliska iyo nabad sugida kuwaas oo iyagu si buuxa ula wareegay ammaanka deegaankaasi.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horay ugu guuleystay inay kala dhex galaan maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay deegaanka N-50 ee gobalka Sh/Hoose, iyagoo shalayna ku wareejiyay amaanka deegaankaasi ciiidamo isugu jirro nabad sugid iyo boolis, kuwaasi oo haaatan si buuxda u sugaya amaanka deegaankaasi iyadoo dhinaca kalena dowladu waddo dadaalo ay ku dhex dhexaadineyso dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka N-50 si loo baajiyo colaad mar kale halkaasi ka dhacdo.
Radio Muqdisho