Wafdiga ka socda dowladda China ee uu hogaaminayo Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian ee booqanaya Caasimadda Muqdisho maalintii labaad ayaa maanta kulan albaabada u xiran la kala yeesheen Wasiirka gaashaandhigga Abdihakim Mohamud Haji Fiqi, Saraakiisha sar sare ciidamada milatariga, Saraakiisha sar sare ee hogaanka ciidanka Booliska ,Wasiirka howlaha guud, iyo dekadaha Muhiyadin Mohamed Kalmoy, agaasinka guud ee Wasaaradaasi, maareeyaha dekadda Muqdisho,gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Mohamud Ahmed Nur “ Tarzan”, kuxigeenadiisa iyo madaxda dowladda hoose.
Wafdiga dowladda China oo u kuurgalayay, qiimeyna ku sameynayay baahiyaha mashaariicda dib u dhiska ee ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay booqdeen Wasaaradaha gaashaandhigga, Akadeemiyada Booliska , Taliska Booliska, Wasaaradda gaadiidka iyo Dekadda Muqdisho, waxaana socdaalkooda ku wehlinayay Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya uga wakiilka ah wadanka China Ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “ Yuusuf Dheeg” iyo saraakiisha hab maamuuska qaranka.
Maamulka gobolka Banaadir oo uu hormuud u yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Mohamud Ahmed Nur “ Tarzan”, kuxigeenadiisa iyo madaxda dowladda hoose ayaa waxa ay qado sharaf ugu sameeyeen wafdiga ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda China hotel laga cunteeyo oo ku yaala xeebta Liido ee degmada Abdiaziz, halkaasoo loogu soo bandhigay Wafdigaasi naqshadda Xaafadda diblomaasiyadda “ Diplomatic Quarter” oo Safaaradaha Muqdisho saldhiganaya ay degi doonaan, waxaana wafdiga China socdaal lug ah ay ku tageen dhulka ay Safaaradda ka dhisan doonaan dhowaan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Mohamud Ahmed Nur “ Tarzan” ayaa ku booriyay Wafdiga matalaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda China inay dedejiyaan dhismaha Safaaradda, isagoo sheegay in dhismayaasha iyo gidaarada laga dhistay agagaarka Xeebta Muqdisho ay tahay mid sharci darro ah, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu jiro qaanuun mamnuucaya lahaanshaha gaarka ah ee dhulka ku yaala xeebaha iyo goobaha dalxiiska.